Sign in to follow this  
Deeq A.

Muranka Badda: Kenya oo Mar Kale Dalbatay in Dacwada Aan La Dhageysan November 4

Recommended Posts

Deeq A.   

Kenya ayaa la xaqiijiyey iney mar kale  dib ugu laabtay maxkamadda qaadeysa dacwada badda ee ICJ, iyada oo sheegtay in ay ku yartahay 2-bada bil ee la siiyey ee ilaa November 4, waxaa ay maxkamadda cadliga ka codsadeen waqti intaas ka badan.

Ilo kiiska ku dhow ayaa Goobjoog News u sheegay in Kenya oo horay ugu hungowday in muranka badda xal looga gaaro meel ka baxsan maxkamadda ay hadda dib ugu laabatay maxakamadda si waqti u iibsato.

Maxkamadda ICJ weli lama soo xiriirin Soomaaliya, laakin waxaan la hubin waxa ay Muqdisho ka yeeli-doonto haddii Kenyaanka dalbadaan waqti ka badan kii ay maxkamadda qabatay ee November 4 ahaa.

Kenaya ayaa horay maxkamadda uga codsatay 12 bil, laakin waxaa loo ogolaaday 2 bil oo ah inta u dhaxeysa September 4-November 4.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this