Deeq A. Posted September 24, 2019 Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay agaasimaha guud ee hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka maamulkaasi. Wareegtada ayaa u qorneyd sidan: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 93 September, 23, 2019 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland. Madaxweynaha Maamulka Puntland Markuu arkay: Datuurka Puntland Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo Wuxuu xeeriyey: 1.Waxaa Mukhtaar Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites