Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Sheikh Shariif oo sheegay in madaxda Villa Somalia ay Khiyaano Qaran galeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga Himilo Qaran ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray dhacdadii dowladda Federaalka Soomaaliya ay shalay ku xannibtay diyaarad uu saarnaa madaxweynihii hore ee dalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee xarunta GMG Jubaland halkaasi oo uu kaga qeyb-geli lahaa caleema-saarka madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam.

War-saxaafadeedka Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay is hor taag ku samaysay madaxweynihii hore ee dalka mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubaland.

Himilo Qaran wuxuu sharci-darro ku tilmaamay tallaabada ay Villa Somalia ku xannibtay diyaaraddii uu saarnaa wefdiga Sheikh Shariif waxaana xisbiga oo cuskanaya Dastuurka dalka uu tallaabadaasi ku tilmaamay mid ka soo horjeedda Karaamada Aadanaha.

Sidoo kale Xisbigu wuxuu ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka in ay si bareer ah ugu tunteen Dastuurka KMG ah ee dalka islamarkaana ay sameeyeen khiyaano Qaran isagoo ugu baaqay madaxda Laanta fulinta dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka waantooban jebinta shuruucda iyo Dastuurka waddanka.

Xisbiga Himilo Qaran waxa uu caddeeyay in haddii aysan madaxda dalku ka waan-toobin jebinta shuruucda iyo Dastuurka waddanka aan wixii hadda ka dambeeya loo sii dulqaadan doonin.

3-7.jpg?w=1000&ssl=1 4-7.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Xisbiga Sheikh Shariif oo sheegay in madaxda Villa Somalia ay Khiyaano Qaran galeen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this