Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno Shabaab ka tirsan oo weeraro ka geysan rabay Itoobiya oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   
Addis Ababa (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo qorsheenayey inay weeraro ka geystaan gudaha Dalkaas.
Hey’adda Sirdoonka dalka Itoobiya ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay gacanta ku dhigtay raggaan oo qorsheenayey inay weeraro ka fuliyaan dhawr meel oo ku yaal gudaha Itoobiya, waxayna sheegtay in meelaha la weerari rabay ay kamid yihiin Hoteelo.

 

” Xubnaha gacanta lagu dhigay ee Al-Shabaab ka tirsanaa waxay qorsheenayeen inay weeraro ka geystaan Itoobiya, gaar ahaan Hoteelada iyo meelaha isku soo baxyada Diimaha ee Magaalada Addis Ababa” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday Hey’adda Sirdoonka Itoobiya.

Xubnaha la qabtay ayaa waxaa ku jiro nin lagu sheegay inuu ahaa Hoggaamiyaha kooxdaan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi.

Dowladda Jabuuti ayaa gacan weyn ka geysatay soo qabashada raggaan ka tirsan Al-Shabaab sida lagu sheegay warbixinta, waxaana laga soo kala qabtay Addis Ababa, Ismaamulka Oromada iyo Gobolka Soomaalida.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawr jeer fashilisay isku dayo ay Kooxda Al-Shabaab ku dooneysay inay weeraro kaga fulisi gudaha Itoobiya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa saameyn xoog leh ku yeelatay wadamada dariska la ah Soomaaliya oo ay ciidamadooda qeyb ka yihiin Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Wadamada ay ku guuleysatay inay weeraro ka geysato ayaa waxaa kamid ah dalka Kenya oo ay hadda awood badan ku leeyihiin Kooxdaan ka dhisan Soomaaliya ee dagaalka lagu jirto Dowladda Federaalka iyo Ciidamada AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this