Sign in to follow this  
RedSea

Jewish woman becomes Ambassador for Bahrain.

Recommended Posts

RedSea   

(Ruux Dumara oo YUHUUDIYAD ah oo safiir u noqotay dal carbeed,Baxreyn.)

 

 

u_2d_2008-6-6-2-0-2f_mnas.jpg

 

hadhwanaag 2008-06-06 (Hadhwanaagnews) Boqorka dalka Bahrain Sheekh Hamad Bin-Ciisa ayaa ku dhawaaqay arin ka yaabisay Wadamada Carabta,kadib markii uu Haweeney Yahuudiyad ah (Jewish)u magacaabay safiirka Boqortooyada Bahrain u fadhida magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

 

Haweeneydan ayaa noqoneysa Yahuudiyadii ugu horeysay ee wadan Carbeed loo magacaabo mansabkan oo kale,waxaana arintan si weyn oogu riyaaqay Dawlada Israel iyo Wadamada Reer Galbeedka,halka ay caro ka muujiyeen Dawladaha Carabta qaarkood.

 

Ambassador Huda Nuunu waxay meteshaa Jaaliyada Yuhuuda ee ku dhaqan dalka Bahrain oo tiradooda lagu qiyaaso 43-qofood,waxayna ka mid tahay 10 Xildhibaan oo metela codadka haweenka dalka Bahrain.

 

Mrs. Nuunu oo la hadleysay saxaafada ayaa sheegtay in xilkan loo magaacabay aanay wax xiriir ah la laheyn diinteeda,balse waxay ku faantay inay meteleyso dalkeeda Bahrain.

 

Wargeysyada Carabta qaarkood oo wax ka qoray magaacibada Haweeneydan Yuhuuda ah ayaa ku tilmaamay in Boqorka Bahrain Hamad Bin-Ciisa uu ku fududaaday magaacibada Haweeneydan Yuhuuda,waxayna ku tilmaameen sababta uu go,aanka u qaatay inay tahay isagoo ilaashanaya danaha uu ka leeyahay Dawlada Mareykanka.

 

Cabdifataax Maxamed Hilowle

Xafiiska Wararka

Hadhwanaagnews Media

Muqdisho,Soomaaliya

muqdishonews@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this