RedSea Posted June 7, 2008 (Ruux Dumara oo YUHUUDIYAD ah oo safiir u noqotay dal carbeed,Baxreyn.) hadhwanaag 2008-06-06 (Hadhwanaagnews) Boqorka dalka Bahrain Sheekh Hamad Bin-Ciisa ayaa ku dhawaaqay arin ka yaabisay Wadamada Carabta,kadib markii uu Haweeney Yahuudiyad ah (Jewish)u magacaabay safiirka Boqortooyada Bahrain u fadhida magaalada Washington ee dalka Mareykanka. Haweeneydan ayaa noqoneysa Yahuudiyadii ugu horeysay ee wadan Carbeed loo magacaabo mansabkan oo kale,waxaana arintan si weyn oogu riyaaqay Dawlada Israel iyo Wadamada Reer Galbeedka,halka ay caro ka muujiyeen Dawladaha Carabta qaarkood. Ambassador Huda Nuunu waxay meteshaa Jaaliyada Yuhuuda ee ku dhaqan dalka Bahrain oo tiradooda lagu qiyaaso 43-qofood,waxayna ka mid tahay 10 Xildhibaan oo metela codadka haweenka dalka Bahrain. Mrs. Nuunu oo la hadleysay saxaafada ayaa sheegtay in xilkan loo magaacabay aanay wax xiriir ah la laheyn diinteeda,balse waxay ku faantay inay meteleyso dalkeeda Bahrain. Wargeysyada Carabta qaarkood oo wax ka qoray magaacibada Haweeneydan Yuhuuda ah ayaa ku tilmaamay in Boqorka Bahrain Hamad Bin-Ciisa uu ku fududaaday magaacibada Haweeneydan Yuhuuda,waxayna ku tilmaameen sababta uu go,aanka u qaatay inay tahay isagoo ilaashanaya danaha uu ka leeyahay Dawlada Mareykanka. Cabdifataax Maxamed Hilowle Xafiiska Wararka Hadhwanaagnews Media Muqdisho,Soomaaliya muqdishonews@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fabregas Posted June 7, 2008 It would be more fitting if HE would handover the entire monarchy to her! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Koora-Tuunshe Posted June 8, 2008 RED SEA, http://www.arabsforisrael.com/home.html Quote Share this post Link to post Share on other sites