Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: MUQDISHO oo yeelan doonta afar wado oo laga soo galo, lagana baxo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Filish” iyo guddigii uu u magacaabay ka shaqeynta furitaanka wadooyinka Muqdisho ayaa dejiyay qorshe lagu furi doono wadooyinka Muqdisho qaarkood.

Guddigaan ayaa soo jeediyay in magaalada Muqdisho in sideeda ay u sii xirnaato ilaa amar dambe balse la furo afar wado oo kaliya oo ay ka soo gaalaan gaadiidka iyo dadweynaha iyo goobaha hadda ka caagan gaadiidka oo dhan ee xaafadaha qaar.

Guddigaan ayaa isku raacay in laga soo bilaabo Mirinaayo ilaa Isbitaalka Digfeer laga furo laba kontarool oo kaliya oo ay ka soo galaan gaadiidka u soo gudbaya Xamar-wayne, KM4 iyo goobaha kale ee aan hadda loo gudbi karin. Sidoo kalane hal wado loo furo gaadiidka ka yimaada dhinaca Afgooye ee ka soo gala Zeybiyaano, iyo hal wado oo laga sameyn doono dhinaca Madiina.

Dhamaan barahaan kontaroolka ayaa waxaa la geyn doonaa Ciidamo Booliis ah oo ka amar qaata Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, waxaana loo qori doonaa lacag ka dheeraad ah mushaarka ay qaataan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

“Gaari kasta waa soo geli doonaa balse waxa uu mari doonaa baaritaan dheer oo loo aeegsan doono qalab iyo ciidan xirfadeysan oo la siiyo mushaar ku fulin” ayuu yiri qof ka tirsan gobalka Banaadir oo la hadlay Caasimada Online, oo codsaday inaan la magacaabin.

“Soo gelidda ama gaadiidka imaanaya kuma xirnaan doonaan aqoonsi dowlad iyo mid kalaba balse waxay mari doonaan baaritaan adag, waana laga yaabaa in qorshaha sidaan iska badalo waayo wali go’aan lama gaarin” ayuu yiri qofkaan aan la hadalnay.

Dad badan ayaa ku taliyay in aan gabi-ahaanba la furin wadooyinka  magaalada Muqdisho maadaama ay yaraadeen weeraradii Al-Shabaab iyo qatartii badneed, waxaana soo baxaya talooyin ku saabsan sugida amniga oo u badan in wadooyinka qaar la furo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this