Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka badbaadey qaraxii Xaaji Baasto

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa dusha saartay qaraxii fiidnimadii Arbacadda ka dhacay isgoyska Xaaji Baasto ee Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey ku dhowaad shan ruux ayaa ku dhimatay weerarkaasi, xili dhaawaca lagu tilmaamay ku dhowaad tobban kale.

Dadka geeriyoodey iyo kuwa isbitaaladda loola cararay ayaa la sheegay in ay isugu jiraan askar ka tirsan dowladda iyo shaca halkaas marayey.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu shaaciyey in bartilmaameedkoodu uu ahaa Cabdiqaadir Carabow Ibraahim, Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

“Qaraxa oo ahaa Miino ayaa bartilmaameedkoodu uu ahaa gaariga Xildhibaanka, balse wuxuu haleelay mid kale oo ka dambeeyay,” ayay sheegeen.

Bayaanka ayaa lagu shaaciyey in saddex askari ay ku khaarijiyeen weerarkaasi, wallow aysan carabaabin xoogaga ay ka tirsan yihiin.

Illaa ma jirto wax war ah oo ku aadan qaraxaan oo kasoo baxay dhanka laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this