Deeq A. Posted September 19, 2019 Jowhar (SMN) – Xiisad xoogan ayaa waxaa lagu waramayaa in ay ka taagan tahay degaanka Calayaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisadda ay ka dambeysay markii siyaabo kala duwan halkaasi loogu dilay dad shacab ah. Dedaalo lagu qaboojinayo xiisaddan oo ay wadaan Odayaasha Dhaqanka iyo Wax-garadka tuuladda ayaa si dardar leh u socda. Mas’uuliyiinta gobolka oo hoostaga maamulka HirShabelle ayaa nan wax war ah kasoo saarin xiisaddan colaadeed. Qaybo kamid ah gobolada HirShabelle ayaa waxaa ka jirta xiisado colaadeed, taasi oo maamulka uusan illaa iyo haatan waxba ka qaban. View the full article Share this post Link to post Share on other sites