Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay K/Somalia+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Howlgallo qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan degmada Jamaame ee G/Jubbada Hoose.

Ciidamada huwanta oo kaabiga u saaran degmada Jamaame ayaa la wareegay, sida la sheegay gacan ku heynta deegaanada Bandar-Jadiid, Janaala-Jaay iyo Maleelay.

Taliyaha Ciidanka Xoogda dalka Soomaaliyeed, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta dowlada u sheegay in illaa 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay howlgalka ka dhacay deegaanka Bandar-jadiid oo u dhow Buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose, islamarkaana ay nolosha ku qabteen mid kale.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

4-37 1-84 2-84 3-78

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this