Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Haweeney si arxan darro ah u dilay oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Beledweyne ayaa gacanta ku soo dhigay nin Haweeney ganacsato aheyd ku dilay Mindi gudaha magaaladaasi.

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Ilyaas ayaa waxa ay iibineysay Qaad, xilliga la dilayey, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka dilka geystay iyo marxuumada uu muran soo kala dhexgalay, sidaasi uu ku dhawaacay, balse markii dambe ay ku geeriyootay isbitaalka.

Ninka dilka geystay oo isku dayey inuu baxsado ayaa waxaa gacanya ku dhigay ciidamada Booliska ee ka howlgala magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dhacdadan oo argagax ku reebtay ehellada marxuumada Xaliimo Ilyaas ayaa dalbaday in si deg deg ah cadaaladda loo hor keeno ninkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this