Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano ay xukuumada ‘beegsatay’ oo dacwad ka gudbinaya Jeneral Odowaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanadda baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dacwad ka gudbin doonaan taliyaha ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaanadda baarlamanka oo la hadlay idaacadda Simba ee Muqdisho ayaa sheegay in amar kasoo baxay taliyaha loogu qaaday ciidamadda ilaaladda u ahaa.

Waxa uu sheegay in haatan ay cadowga u nugul yihiin madaama laga qaaday ciidamadii ilaaladda u ahaa, islamarkaana aan loo sheegin sababta dhalisay.

Go’aanka uu Odowaa xildhibaannada kaga qaaday ciidamadii militariga ee ilaalada u ahaa ayaa ka dambeeyey amar uu siiyey madaxweyne Farmaajo, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Farmaajo amray in ciidanka difaaca Soomaaliya ee ku jira shaqada leexsan la geeyo goobaha laga saaro Al-Shabaab oo ay hadda ku sugan yihiin ciidan ka tirsan Guutada 60-aad ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Hase yeeshee, xildhibaan Dalxa ayaa rumeysan in tallaabadan ay tahay mid si gaar ah loogu beegsanyo xildhibaannada aan ku aragtida ahayn madaxweynaha iyo xukuumadda.

Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Dalxa

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/XILDHIBAAN-MAXED-CUMR-DALXA.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Mudisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this