Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan maamulka SOMALILAND oo askari kale ku toogtay M/ Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil askari ka tirsanaa ciidamada Asluubta maamulka Somaliland xalay loogu geystay gudaha magaalada Laacaanood xarunta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Sida ay ilo lagu kalsoonyahay u sheegeen Caasimada Online dilkan ayaa waxaa fuliyey askari kale oo ka tirsan ciidanka Somaliland, kadib markii uu mursan soo kala dhexgalay.

Sidoo kale waxaa rasaasta uu furay askarigaasi ku dhaawacmay qof kale oo shacab ah oo ka agdhawaa halkaasi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in askarigii ka dambeeyey dhadadaasi uu goobta isaga baxsaday.

Saraakiisha ciidamada Somaliland ee ku sugan Laascaanood oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana ay ku raad joogaan askarigii ka dambeeyey dilkaasi.

Xaaladda amni ee Laascaanood ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid aan wanaagsaneyn, iyadoo marar badan dagaallo ay ka dhaceen gudaha magaaladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa 
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this