Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Shabaab oo bilaabay hab cusub oo ay qaraxyada kusoo geliyaan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa billaabay qorshe cusub oo ay qaraxyada ku soo geliyaan magaalada Muqdisho, tan iyo markii la xiray wadooyinka magaalada.

Al-Shabaab waxay bilaabeen in gaadiidka loo yaqaano mooto Bajaajta, oo ah gaadiidka kaliya ee magaalada ka xirneen ay ku soo gudbiyaan qaraxyada kadibna ay ku raraan gaadiid kale oo nuucyada raaxada ah oo gudaha magaalada yaalla.

Qaar kamid ah saraakiisha amaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ay ogaadeen in Al-Shabaab gaadiidka Bajaajta ku soo raraan Qaraxyo, iyagoo ka soo gelinaya dhowr wado oo ku taala magaalada Muqdisho, kadibna waxay ku keydiyaan guryo iyo xarumo ay ku leeyihiin magaalada gudaheeda, iyagoo ugu dambeyntii raba in ay ku raraan gaadiid kale.

Qofka aan la hadalnay oo ka tirsan sarakiisha ugu saraysa ee dhanka amaanka ayaa sheegay in mootadii ku qarxaysay Towfiiq ay aheyd mid qaraxyada iyo dareeskaba u soo waday xaafadaha gudaha ah ee magaalada Muqdisho, si loogu weeraro xarumaha dowladda.

“Markii ay qaraxyada usoo rarayaan xaafaha xiran ee gudaha magaalada, Bajaaj ayaa lagu soo qaadaa maxaa yeelay bajaajtu lama baaro, waana qaraxyo diyaarsan si hadii ay gali waayeen isu qarxiyo qofka” ayuu yiri sarkaalkaan la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan la magacaabin.

Tan iyo markii la xiray waddooyinka Muqdisho waxaa aad u yaraaday qaraxyadii waa weynaa ee magaalada ka dhici jiray, waxaana Shabaabka ay kusoo koobmeen qaraxyo yaryar. Mooto bajaajta ayaan magaalada lagu soo gelin karin qaraxyada waa weyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this