Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo mar kale ka dhacay duleedka Balcad iyo AMISOM oo gaadiid loga gubay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimada Online) – Deegaan lagu magacaabo Garas Deelle oo qiyaastii 3-KM u jira magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa galabta lagu weeraray ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Weerarka oo ku bilaawday miino dhulka lagu aasay oo haleeshay mid kamid ah gaadiidka gaashaaman ee AMISOM, ayaa waxaa xigay weerar fool ka fool ah, oo gaystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkayeen gadiid dagaal oo ay wateen ciidamada AMISOM oo gubanaya, waxaana la sheegay in goobtii lagu dagaalamay oo aad ugu dhaw degmada Balcad ay gacan ku heynteeda ku hareen kooxdii weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab.

Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas oo ka dhacay waddada xariirisa Muqdisho iyo Balcad, gaar ahaan meel aad ugu dhaw Balcad oo Al-Shabaab aysan horay aysan ugu dhiira jirin in ay weerarro ka geysa jirin, waxeyna wararku sheegayaan in khasaare badan uu dagaalkaas kasoo gaaray dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Geelle Isxaaq Cismaan oo ah wasiir ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Al-Shabaab ay jab xoog leh kala kulmeen weerarka ay galabta ku qaadeen AMISOM, wali wax war ah oo ku aadan dagaalkaas kama soo bixin dhinacyada AMISOM iyo Al-Shabaab.

Weerarkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay meel 10-KM u jirta degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ay Al-Shabaab ku laayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle, oo ka baxay degmada Balcad kuna wajahnaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in duleedka deegaanka Gololay oo hoos taga degmada Balcad ay isla shalay ku dileen ilaa 14 askari kuna dhaawaceen 8 kale oo ka tirsanaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi.

Gabi ahaanba waxaa maanta la hakiyay isticmaalka wadada xariirisa Muqdisho iyo Balcad waxaana la sheegay in howlgallo miino baaris ah maanta galinkii dambe ay ka bilaabeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Waddada xariirisa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka iyo magaalada Jowhar ee sii marta degmada Balcad ee gobbolka Shabeellada Dhexe ayaa noqotay mid ka mid ah wadooyinka ugu halista badan dalka, waxaana saacadihii u dambeeyay ka dhacay weerarro sil-silada ah.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this