Sign in to follow this  
Saalax

Koox ku dheelaysa magaca Somaliland oo ka qayb galaysa tartan kubadda cagta a

Recommended Posts

Saalax   

Koox ku dheelaysa magaca Somaliland oo ka qayb galaysa tartan kubadda cagta a

 

Written by Axmed Maxamuud Cilmi -Shawqi

Feb 26, 2010 at 02:34 PM

 

 

Sanca,(Qaran News)-Koox kubadda cagta ah oo ku ciyaaraysa magaca Somaliland ayna soo abaabuleen xafiiska Somaliland ee magaalada Sanca, ayaa ka mid ah 16 kooxood oo tartan uga furmay magaalada Sanca. Tartankan oo ay soo qaban qaabisay haayad la yidhahdo ADRA waxa uu ka socdaa garoonka "Sabciinka" ee magaalada Sanca, waxana 16 ka kooxood kasoo baxaya 8 kooxood. Hadaba, waxanu la kulanay kooxda ku ciyaaraysa magaca Somaliland , kooxdan oo direeska iyo qalabka ciyaarta ka helay xafiiska Somaliland ee dalka Yemen, waxa ay ciyaari doonaan maalinta isniinta ah.

 

 

jf7mkl.jpg

 

 

Tababaraha kooxda Somaliland, Anwar Mustafe Saalax ayaa mahad naq ballaadhan u soo jeediyay xafiiska Somaliland ee dalka Yemen, isaga oo sheegay inay taageero aad u balaadhan ka heleen.Sidoo kale Kabtanka kooxda Somaliland ee tartankan ka qayb galaysa Ibrahim Xaaji Suufi (Jaloori), ayaa sheegay inay haystaan ciyaar yahanno khibrad leh oo hore uga soo qayb galay tartano hore, sidoo kalana uu rajo wayn ku qabo firfircoonidooda uuna ku niyad sanyahay inay qaadi doonaan koobkan oo magac weyn usoo jiidi doonaan Somaliland.

 

 

dqhhef.jpg

 

 

Ku xigeenka wakiilka Xafiiska Somaliland ee dalka Yemen, Mudane Maxamed Xirsi Gudaal (Maxamed Tamaam) ayaa rajo fiican ka muujiyay in kooxdan magaca Somaliland ku ciyaaraysaa guul wayn soo hoyn doonto, wuxuna ku booriyay inay karti iyo firfircooni la tagaan garoonka. Wuxu intaas ku daray in ciyaaruhu yihiin sida keliya ee dhalinyarada lagaga fogayn karo balwadaha iyo waqti lumiska, ayna xafiis ahaan soo qaban qaabiyeen kooxdan.

Axmed Maxamuud Cilmi -Shawqi

Golisnews reporter

 

 

2d9wsps.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this