Sign in to follow this  
Deeq A.

Khadar oo shir muhiim ah ka daah-furay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Tubta Qaran ee gaarsiinta caafimaad dhameystiran,kaas oo mawaadin kasta oo Soomaaliyeed u ogolaanaya in uu helo daryeel caafimaad oo heer caalami ah.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada DFS, Fowsiya Abiikar Nuur, oo wasaaraddeedu ay diyaarsay Tubta qaran ee xaqiijinta caafimaadka loo dhanyahay, ayaa sheegtay in Qorshaha tubta uu yahay in mawaadin kasta oo Soomaaliyeed uu helo adeeg caafimaad oo tayeysan oo culeys dhaqaale aan bulshada ku keeneyn.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa guul ku tilmaamay in maanta la daah-furay tub adeeg caafimaad oo caalami ah oo gaar u ah Soomaaliya, ka tarjumeysa duruufaheeda, lana jaan-qaadeysa duruufaha caalamiga ah ee jira, waxa uuna codsaday in dhamaam si wadajir ah looga shaqeeyo ka faa’iideysiga tubta caafimaadka dalka.

Munaasabadda daah-furka tubta qaran ee caafimaadka, waxaa goob joog ka ahaa wasiiro, xildhibaanno, safiirrada Turkiga iyo Talyaaniga iyo safiir ku-xigeenka Qatar ee saldhiggoodu yahay Muqdisho iyo mas’uuliyiin ka socota WHO, UNFPA, iyo UNICEF.

unnamed-5-2.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this