Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxaan Leeyahay Madaxweyne Dawlad Loo Dhan Yahay Baa Loo Baahan Yahay…” Ex. Wasiir Cabdilaahi Ibraahim Habane

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumaddii hore Cabdilaahi Ibraahim Habane, Xoghayaha Guurtidina soo noqday, kana soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay dhismaha dawlad loo dhanyaay saami ahaan.

CABDILAAHI-DHEERE-WASIIRKA-WAXBARASHADA-

Cabdillaahi-dheere, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa isagoo Madaxweynaha Farriin u diraya wuxuu yidhi “Jamhuuriyad Somaliland oo la wada leeyahay in la dhiso weeye, Jamhuuriyad Somaliland la yidhaahdo oo dadka ka wada dhaxaysa ayaa la doonayaa, Madaxweynuhu wuxuu akhriyey qodobo la saxeexay, qodobadaas uu akhriyeyna waxay ahaayeen todoba qodob, qodob ka mid ahina wuxuu sheegayaa in Dawladnimada reeruhu si siman u qaybsadaan, Cali Khaliifna saddex oday ayaa u saxeexay, anagana laba oday ayaa noo saxeexay, ee Madaxweynaha in la weydiiyo weeye Suldaan Sheekh Muuse oo geeriyooday iyo Suldaan Maxamed Jaamac Samatar oo geeriyooday sababta uu saxeexyadoodu u shaqeeynayo, saxeexii Sheekh Ibraahim iyo Suldaan Saxardiidna ku qaban la yihiin isaga, markaas Madaxweynuhu waa inuu labadaas heshiis ka jawaaba, waxaan se Madaxweynaha leeyahay dawlad loo dhan yahay ayaa loo baahan yahay”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this