Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab Ka Dhashay Diyaarad Rakaab Ka Qaaday Muqdisho Oo Ka Degtay Magaalada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-)-Sida ay baahiyeen qaarka mid ah warbaahinta fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho oo ay soo xigatay Somalilandtoday dab ayaa maanta ka kacay gudaha diyaarad dad shacab ah ka qaaday magaalada Muqdisho, islamarkaana gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

diyaarad-gubatay.jpg

Diyaaradda oo barqadii maanta ka duushay Muqdisho ayaa waxaa gudaheeda ka dhashay dab xoog leh waxaana saarnaa rakaab u badnaa dad Soomaali ah, iyadoo si dirqi ah ku degtay Garoonka Jummo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Gaadiidka dabdamiska ee garoonka Jumma Kenyatta ayaa ku guulleystay in ay damiyaan dabka qabsaday qeybo ka mid ah diyaaradda ka kacday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dabkaas ayaa diyaaradda ka dhashay daqiiqado kadib markii ay ka duushay garoonka magaalada Wajeer oo lagu sii xanibo diyaaradaha ka baxa magaalada Muqdisho kuna sii jeeda magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Qaar ka mid ah dadkii la socday diyaaradda ayaa sheegay in markii dabku ka dhashay diyaaradda ay dareemeen werwer badan, balse Alle uu badbaadiyay.

Daqiiqado kadib markii uu dab qabsaday qeybo ka mid ah diyaaradda ayaa nasiib wanaag waxa ay ka caga dhigatay Nairobi, iyaga oo bad qaba dhammaan rakaabkii diyaaradda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this