Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaare Ka Dhashay Qarax Lala Eegtay Maamulka Shabeellada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo gobalka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in goordhow qarax lagula eegtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Shabeellaha hoose xili ay ku sii jeejeen deegaanka Shalaanbood.

Qaraxa oo ahaa Miino wadada dhinaceda lagu aasay ayaa haleeshay kolonyo uu la socday guddoomiyaha gobalka Shabeellaha hoose Ibraahim Cali Adaan Najax, waxaana jira khasaare ka dhashay Qaraxa lala eegtay kolonyada.

inta la xaqiijirayay sedex askari ayaa geeriyootay tira kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo, kuwaas oo ka tirsanaa ciidamdii galbinayay guddoomiyaha gobalka, wararka ayaa intaasi ku daraya inuu dhaawac  soo gaaray guddoomiye ku-xigeenkii degmada Qoryool;eey ee gobalka Shabeellaha hoose.

 Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this