Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo la ogaaday in uu bixiyay amarkii ilaalada looga qaaday xildhibaanada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa ogaatay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu bixiyay amarkii ilaalada gaarka u aheyd looga ka xeestay xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ay ilaalo u haayeen ciidanka ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo, oo kulan gaar ah Madaxtooyada Soomaaliya kula qaatay Taliyaha Milateriga Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage, ayaa amray in uu soo shaqo geliyo ciidanka milateriga ee ku jira shaqada leexsan ama ilaalada ka ah goobaha ganacsiga iyo kuwa shaqsiyaadka.

Ciidankaan ayaa la sheegay in lageyn doono goobaha ay ciidamada gaarka u tababaran kala wareegaan Al-Shabaab maadaama aysan jirin ciidan booliis ah oo looga tago degmooyinkii la qabto.

Saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Farmaajo amray in ciidanka difaaca Soomaaliya ee ku jira shaqada leexsan la geeyo goobaha laga saaro Al-Shabaab oo ay hadda ku sugan yihiin ciidan ka tirsan Guutada 60-aad ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Arintaan ayaa waxay sababtay walaac xoog leh oo dhanka amaanka ah oo ay wajahayaan xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya, oo qaarkood aan maalo ka bixin guryaha iyo hoteellada ay degan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this