Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Oo Sheegeysa iney Ka Go’antahay Dhameystirka Dastuurka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku dhawaaqay in sedaxda hay’adood oo kala ah, Wasaaradda,Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka, Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ay ka go’antahay dhameystiro dastuurka.

Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo maanta muqdisho ku daah furay Banbax-howleedka ayaa yiri: “waxaa naga go’an hadaanu nahay seddexdan hay’ad in howlaha dastuurka aysan iska noqon arrimo iska furan oo ah mashruuc la iska quuto, waxaan dooneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu macquulsan loo dhameystiro dastuurka”.
Waxa uu wasiirka uu tilmaamay in kulankan furmaydiiradda lagu saari doonno sidii arrimaha Dastuurka iyo dhameystirkiisa.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr , waxa uu sheegay in kulankan uu muhiim u yahay seddexda hay’ad maadaama waqtigii loo qabtay dhameeystirka dastuurka uu gebo-gebo marayo.

Muumino Sheekh Cumar oo ah Gudoomiye Ku-Xigeenka Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa dhankeeda sheegtay in ka guddi ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin ka qaybgalka kulankan, waxaa kale oo ay xustay in gudigga madaxbanaan uu shirka ku soo bandhigi doono waxqabadkiisa iyo waxa u qorsheysan.

Dhanka kale Senator Cabdi Qaybdiid oo ah Gudoomiyaha Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid looga hadlay sidii howlaha masiiriga ah ee dastuurka dhameystirkooda guul looga gaari lahaa.

Waxaa xusid mudan,in uu banbax-howleedkan uu socondoono muddo seddex maalin ahm iyadoo looga doodi doonaa qorsho-howleedyada u degsan hay’adaha dib-u-egiista dastuurka, waxaana dhamaadka banbax-howleedka laga soo saari doonaa War-murtiyeed shacabka lala wadaagi doono.

Wasiirka-dd.jpg

Wasiirka-Dastuurka.jpg

wasiirka-D.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this