Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsanaa ciidamada DF oo lagu dilay Sanca

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dil maanta askari ka tirsanaa ciidamada dowlada loogu geystay isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

Ragga ku hubeysnaa Bistoolado ayaa toogtay askarigaasi oo la sheegay inuu xirnaa dharka tuutaha Milatariga Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabelle u sheegay in dalbleydii ka dambeysay dilkaasi ay goobta isaga baxsatay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo meydka ka qaaday goobta, kadibna baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha hay’adaha  amniga oo ku aadan Dilkaasi.

Muddooyinkii dambe ammaanka Muqdisho ayaa ahaa mid dagan, iyadoona ay howlgallo ka wadeen ciidamada Booliska Soomaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this