Deeq A. Posted September 15, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuridda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmajao) ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Dhuusamareen ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Qaban qaabo iyo soo dhoweyn loogu jiro wafdiga Madaxweynaha ayaa haatan laga dareemaya gudaha magaaladaasi. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo waddooyinka degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Madaxweyne Farmaajo ayaa soo xiri doono shirka arrimaha dib u heshiisiinta Galmudug oo lagu wado in la soo gabagabeeyo maalinta beri ah. Shirkan ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha dib u heshiisiinta, ka hor doorashada Galmudug ee la filayo in dhowaan ay ka dhacdo halkaasi View the full article Share this post Link to post Share on other sites