Deeq A. Posted September 15, 2019 Balcad (SMN) – Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa maanta howlgallo balaaran ka sameeyey duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen agagaarka deegaanka Gololey oo shalay qarax lagula eegtay mas’uuliyiin ka tirsanaa HirShabelle. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay dad u badan u dhalinyaro, kuwaas oo baaritaano, kadib ay ciidamaduu sii daayeen. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa amni xumo aad u baahsan ay ka jirtay waddada dheer ee isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. View the full article Share this post Link to post Share on other sites