Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Garoowe ka daah-furay shirka Maalgashiga Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan, ayaa maanta magaalada Garoowe ka daah-furay shirka Maalgashiga Puntland oo lagu soo bandhigi doono fursadaha Maal-geshi ee ka jira Puntland kaasi oo socon doona mudda saddex maalmood ah.

Shirka waxaa ka qeyb-galaya ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa Ajnabiya oo ka kala socda dalal ka tirsan Afrika, wadamada Carabta, Shiinaha iyo Eeshiyada kale kuwaasi oo mudada shirku socdo loo bandhigi doono fursadaha maal-geshi iyo kuwa ganacsi ee ka bannaan gudaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kormeeray qaybta bandhigga Ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland oo ay kusoo bandhigeen Ganacsigooda iyo wax-soosaarkooda, waxaana ay ku bogaadiyeen dedaalkooda ganacsi iyo kasoo qayb-galkooda Shirka.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka qeyb-galayaasha ku dhiirr-geliyay in ay maal-gashadan Puntland ” Dowladda Puntland waxay dejisay siyaasad maalgashi oo kuu saamaxeysa inaad maalgashi ku sameysid Puntland qayb walba iyo meelkasta oo aad daneynaysid” ayuu yiri madaxweyne Deni.

  • 1-5.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-1.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Garoowe ka daah-furay shirka Maalgashiga Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this