Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Awdheegle oo go’aan lama filaan ah ka qaatay amarro ay dul-dhigeen Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Awdheegle (Caasimada Online) – Inta ugu badan shacabka ku nool degmada Awdheegle ee gobalka Shabeellada Hoose ayaa ka soo horjeestay amarro ay dul-dhigeen dagaalamayaasha Al-Shabaab ee dhowaan laga saaray degmadaasi.

Al-Shabaab ayaa dadka degaanka ku amray in ay ka baxaan degmada mar hadii ay gacantooda ka baxday, sidoo kalane aan waxba laga iibsan ciidamada dowladda ee qabsaday iyo in aan lala sameynin wax macaamil ah balse dadkii degaanka ayaa la sheegay in ay isku raaceen in amaradaasi oo dhan laga soo horjeesto.

Qaar kamid ah masuuliyiinta milateriga Soomaaliya ee ku sugan degmada ayaa Caasimada Online u sheegay in degmada ay ku nool yihiin dad adag oo go’aan leh islamarkaana ay diideen in ay hogaasamaan amarada A-Shabaab oo degaanka iyo nolasha halis ku ah.

“Shacabka waxay isku raaceen in aysan u hoggaansamin amarrada Al-Shabaab iyo cunaqabateentooda waana bulsho adag oo ay ka go’antahay dowladnimada iyo nabadgalyada” ayuu yiri sarkaal ka tirsan milateriga Soomaaliya oo ku sugan Awdheegle.

Caasimada Online ayaa ogaatay in dadka degaanka ay ka shaqo badan yihiin ciidanka degmada ku sugan islamarkaana ay sameeyeen is xilqaan amni oo gaar u ah inkastoo ay qabaan walaac amni oo ah markii ay dibadda ka aadaan degmada Awdheegle ee gobalka Shabeellada Hoose.

Al-Shabaab ayaa hore amarro dhaqan galay u dul-dhigay dhamaan shacabka ku nool goobaha ay la wareegeen ciidamada Soomaaliya, waxaana kii ugu dambeeyay uu ka dhaqan galay degaanka Bariire ee u dhaw degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this