Sign in to follow this  
Deeq A.

BERBERA: Taawar Laydh Oo Dilay Hooyo Haysatay 7 Carruur Ah + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Hal Qof oo Dumar ah ayaa Xalay ku Geeriyootay Magaalada Berbera, ka dib markii uu ku dhacay Taawarrada Laydhka oo Shub ka samaysnaa, kaasi oo ku hor taagnaa Gurigeeda oo ku yaalla Xaafadda Daaroole.

70121611_2196806513780848_42081174738173

Haweenayda Geeriyootay ayaa iyada iyo Carruurteeda oo 7 ah waxay seexdeen Guriga Hortiisa, maaddaama oo ay xilligan kulushahay Magaalada Berbera, si ay halkaa ugu laydhsadaan, laakiin Saqdii dhexe oo ay Hurdaan Hooyada iyo Carruurteeda ayaa Taawarku soo dhacay, waxaanu ku habsaday Hooyada oo keliya, halka Carruurta aanu waxba yeelin.

Sidaana waxa sheegay Weriye Maxamed Cabdillaahi (Soo-fadhiiste) oo ka mid ah Weriyeyaasha ka hawl-gala Magaalada Berbera, kaasi oo barka uu ku leeyahay Facebook ku baahiyey Warkan naxdinta leh.

69961203_2196806683780831_51302581234785

Meydka haweenayda uu Dilay Taawarka ku soo dhacay ayaa waxa Saaka ka hoos saaray Dadka jaarka, sida uu sheegay Weriye Soo-fadhiiste.

70352984_2196806850447481_67848008801986

Lama oga in Taawarku si caadi ah u soo dhacay iyo Xadhkaha Laydhka ee uu siday Gaadhi jidhay, taasina sababtay inuu Taawarku soo jabo.

Illaa hadda Maamulka Iyo Laamaha Amnigu kama hadal Geerida Naxdinta leh ee ku timid Hooyada Taawarku dilay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this