Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyeyaasha Dalalka Galbeedka Afrika Oo Ku Dhawaaqay War Cusub Oo Ka Dhan Ah Argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burkina Faso)-Hoggaamiyeyaasha wadamada dhaca galbeedka Afrika ayaa kulan ay ku qaateen dalka Burkina Faso ku dhawaaqay in hal billion oo dollar ay u qoondeeyeen ka hortaga falalka amni-darro ee ku sii baahaya gobolka Sahil.

1568542977ccf14.jpg

Dhaqaalahan ayaa la adeegsan doonaa sannadka soo socda ee 2020-ka illaa 2024-ta sida lagu sheegay kulanka wadamada dhaqaalaha oo loo yaqaan (ECOWAS) ee ka dhacay magaalada Ouagadougou.

Dhanka kale waddamada Mauritania iyo Chad ayaa ku biiray dalalka (ECOWAS) ee galbeedka Afrika.

Dhanka kale madaxweynaha Niger Mahamadou Issoufou ayaa sheegay in waddamada galbeedka Afrika ay go’aansadeen inay wadaagaan dhaqaalaha si loola dagaalamo kooxaha Argagixisada.

Dhaqaalaha sabtidii shalay laga yaboohay Burkina Faso ayaa adeegsan doona ciidanka amniga ee wadamada galbeedka Afrika.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this