Sign in to follow this  
Deeq A.

Beer Iyo Kelyo Aan Noocooda La Garanayn Oo Lagu Qabtay Magaaladda Wajaale.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Wajaale)-Ciidamada Booliska ee degmada Tog-Wajaale ayaa hawlgal ay sameeyeen , waxa ay habeenkii xalay ahaa kusoo qabteen Beer iyo Kelyo aan ilaa hadda la garanayn waxa ay yihiin, kuwaas oo ay maanta warbaahinta usoo bandhigeen.

11-3.jpg

Beerkan iyo kelyahan oo si qarsoodi ah loo soo gelinaayey Somaliland ayay maanta ciidamadu ku gubeen duleedka magaaladda Tog-wajaale.

Waxaana warbaahinta si wada jir ah ula hadlay taliyeyaasha Booliska ,Taliyaha hawlgelinta gobolka Gebiley iyo maamulka degmada Tog-wajaale ,iyaga oo shacabka uga digay Beerka iyo Kelyaha noocan ah ee lagaga iibinaayo suuqyada, kaas oo ay sheegeen in uu waxyeeli karo caafimaadka bulshadda.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ee degmada Tog-wajaale ayaa sheegay in Askariga Beerkan qabtay lagu magacaabo Yaasiin Maxamed Axmed Faarax , iyada oo ay kooxaha Beerkan siday u balan qaadeen in ay siin doonaan lacag dhan $150 dollar, si uu ugu sii daayo , laakiin uu diiday, sidaasna uu kusoo qabtay Beerkaas iyo kelyahaas aan la garanayn ee Somaliland lasoo gelinaayey .

Maamulka degmada Tog-wajaale oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay mulkiileyaasha Hudheeladda Somaliland in aanay waxyaalahan oo kale dalka soo gelin, iyaga oo sidoo kalena dadka waxyaalahan ka ganacsadana ugu baaqay in aanay xoolahooda xaaran ku badhxin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this