Sign in to follow this  
Deeq A.

500 boqol oo askari markii ugu horreysay tababar loogu qaaday Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidan ka tirsan kuwa dowladda fedeeraalka tababar markii ugu horreysay loogu qaaday dalka Eritrea.

Ciidamadan oo tiro ahaan gaaraya illaa 500 oo askari ayaa la sheegay inay isugu jiraan Boolis, Nabad Sugid iyo Milatari intaba.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ujeedka ciidamadani loo tababarayo ayaa ah sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen sugida amniga, marka la gaarayo xilliga kala guurka ee dalka uu galayo doorashooyinka sanadaha 2020-ka, illaa 2021-ka

Eritrea oo sanadkii hore laga qaaday cunaqabateyn saarneyd in muddo ah ayaan la shaacin baahida keentay in ciidamo cusub ay xilligan u tababarto Soomaaliya.

Sababta Eritrea cunaqabateynta loo saaray waxa ay aheyd inay taageertay kooxo ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya, iyadoo ay dad badani is weydiinayaan arrintan.

Xiriirka Eritrea iyo Soomaaliya ayaa dib u soo laabtay bartamihii sanadkii hore, iyadoo booqasho Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegay Asmara, halka dhigiisa dalkaasi Isaias Afwerki uu Muqdisho booqasho ku yimid bishii December ee sanadkii hore 2018-kii.

Ciidamada Soomaaliya ayaa inta badan waxaa lagu tababaraa dalalka Turkiga, Jabuuti iyo Uganda oo sanadihii u dambeeyay dowladda federaalka ka caawinayey dhismaha ciidanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this