Deeq A. Posted September 15, 2019 Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirweynaha dib u heshisiinta beelaha Galmudug oo weli ka socda magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan maraya heer gabagaba ah, kaas oo shantii bishan uu daah-furay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 700 oo Ergo ah oo matalaya 11-ka beelood ee Galmudug, sida ay sheegeen guddiga qaban qaabada shirkaasi. Intii uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay illaa toban qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo kal ah: 1: Ergadii loogu talo galay Shirka oo aheyd 356 ergo ayaa kor u dhaaftay 700 ergo. 2: Waxaa si nabad ah loogu soo dhaweeyey Caasimadda Dhusamareeb mudo bil ah iyaga oo aan dareemin ciriiri iyo culeys. 3: Waxa ay si xor ah usoo bandhigeen tabashooyinkii ay qabeen iyo qaladaadkii horay usoo dhacay iyaga oo wada qaatay Casharo la xirrira Xallinta Khilaafaadka. 4: Waxa ay wada gar-waaqsadeen baahida loo qabo isa-saamax, is-cafin, is-aaminid iyo Xalay-dhalay. 5: Waxa ay wada bogaadiyeen kaalinta hagar la’aanta ah ee Dawladda Federaalku ka ciyaartay Galmudug gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre. 6: Waxa ay wada bogaadiyeen Heshiiskii Garabyada Siyaasadda ee Galmudug. 7: Waxa ay soo wada dhaweeyeen Musharaxiinta Xilka Madaxtinimada Galmudug. 8: Waxa ay wada qireen baahida loo qabo dhismaha maamul cusub oo leh Aragti iyo Tayo, loona wada dhanyahay. 9: Waxa ay wada bogaadiyeen Heshiiskii dhex-maray dadka degan deegaanada Xeraale iyo Huurshe ee soo af-jaray Colaadii loogu magac-daray (Colaada Qarniga) ee Galmudug. 10: Waxa ay wada qireen baahida deg-dega ah ee loo qabo Xoreynta deegaanada Galmudug ee weli ku jira Gacanta Ururka Al-Shabaab. Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa ah, sidii uu u soo xiri lahaa shirweynaha dib u heshiisiinta maamulkaasi oo 10-kii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaaladaasi. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo xaafado ka tirsan degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites