Deeq A. Posted September 15, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Shirka dib u heshisiinta Galmudug ee ka socda magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan maraya heer gabagaba ah, kaas oo shantii bishan uu daah-furay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Shirka oo socday muddo cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 700 oo Ergo ah oo matalaya 11-ka beelood ee deega deegaanada Galmudug. Illaa 10 qodob oo xasaasi ah ayaa looga hadlay shirkaasi, sida ay soo bandhigeen guddiga ay dowladdu u saartay arrimaha dib u heshiisiinta ee maamulkaasi. Halkan hoose ka aqriso: 1: Ergadii loogu talo galay Shirka oo aheyd 356 ergo ayaa kor u dhaaftay 700 ergo. 2: Waxaa si nabad ah loogu soo dhaweeyey Caasimadda Dhusamareeb mudo bil ah iyaga oo aan dareemin ciriiri iyo culeys. 3: Waxa ay si xor ah usoo bandhigeen tabashooyinkii ay qabeen iyo qaladaadkii horay usoo dhacay iyaga oo wada qaatay Casharo la xirrira Xallinta Khilaafaadka. 4: Waxa ay wada gar-waaqsadeen baahida loo qabo isa-saamax, is-cafin, is-aaminid iyo Xalay-dhalay. 5: Waxa ay wada bogaadiyeen kaalinta hagar la’aanta ah ee Dawladda Federaalku ka ciyaartay Galmudug gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre. 6: Waxa ay wada bogaadiyeen Heshiiskii Garabyada Siyaasadda ee Galmudug. 7: Waxa ay soo wada dhaweeyeen Musharaxiinta Xilka Madaxtinimada Galmudug. 8: Waxa ay wada qireen baahida loo qabo dhismaha maamul cusub oo leh Aragti iyo Tayo, loona wada dhanyahay. 9: Waxa ay wada bogaadiyeen Heshiiskii dhex-maray dadka degan deegaanada Xeraale iyo Huurshe ee soo af-jaray Colaadii loogu magac-daray (Colaada Qarniga) ee Galmudug. 10: Waxa ay wada qireen baahida deg-dega ah ee loo qabo Xoreynta deegaanada Galmudug ee weli ku jira Gacanta Ururka Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites