Deeq A. Posted September 15, 2019 Afgooye (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay qeybo badna oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka koowaad oo uu xigay dagaal toos ah ayaa ka dhacay degmada Awdheegle, kadib markii weeraro saf mareen ah ay Al-Shabaab ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi. Sida ay Shabelle u sheegeen ilo deegaanka dagaalka oo qaatay muddo ka badan hal saac ayaa la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Sidoo kale dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weeraray ciidamo ku sugnaa halka loo yaqaano Buunda Yarey oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose. Iska hor imaad kooban oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inuu ka dhacay halkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkaasi, islamaarkaana uusan jirin khasaare soo gaaray. Dhanka kale ciidamo roondo ka waday deegaanka Buulo-Mareer oo hoosta degmada Kuntuwaareya ayaa bam gacameen lagu weeraray, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay illaa 4 qof oo labo mid ah ay ahaayeen Haween, midna uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda. Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerar kale xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ka dhashay dagaalka toos oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen todobo kale. Taliyaha QoryooleyCali Waal oo wareysi siiyey Shabelle ayaa sheegay in ku dhawaad 10 ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku dileen dagalkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagalladaasi ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/cod-qoryooley-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites