Sign in to follow this  
Deeq A.

Murrashax U Taagan Xilka Madaxtinimo Ee Dalka Tunisia Oo Bilaabay In Cuntada Uu Ka Soomo Iyo Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Tunisia)-Nabiil Karooy oo ka mid ah murashixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Tunisia ayaa bilaabay in uu cuntada ka Soomo.

156831900261b51.jpg

Siyaasigaan ayaa dalbanaya in xabsiga laga sii daayo, si uu u coddeeyo doorashada madaxtinimo ee dhaceysa 15-ka bishan September.

Ciidanka amniga Tunisia ayaa saddex toddobaad ka hor xabsiga dhigay milkiilaha Tv-ga Nissma, waxaana loo haystaa lunsiga canshuurta iyo adeegsiga lacagta Madow.

Rida Bilhaaji oo ah qareenka Nabiil ayaa tilmaamay in uu bilaabay in cuntada uu ka soomo maalintii Arbacada ee toddobaadkii hore.

Si kastaba ha ahaatee arintaan ayaa waxaa ka hadlin ciidanka amniga magaalada Tuunis, iyadoo maalinta axada ah ee bari dalkaasi ay ka dhici doonto doorashada Madaxtinimo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this