Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeymo Loo Geystay Xarumo Shidaal Oo Ku Yaalla Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Droniska ayaa sababay dab qabsaday 2-xarumood oo laga soo saaro saliidda Shidaalka ee dalka Sacuudiga, sida ay ku warrameen madaxda (Shirkadda Aramco) ee ay maamulaan dowladda dalkaasi.

D-8-750x430.jpg


Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo madax kale ayaa sheegay in weeraradaasi lala beegsaday laba xarumood oo laga soo saaro Saliida Shiidaalka,kuwaa oo kala ah Abqaiq iyo Khurais

Madaxda dalka Sacuudiga ma caddeyn halka laga soo abaabulay weeraradaasi, waxaana intaa la raaciyay in ay socdaan baaritaanno ku aadan shilkaasi.

Telefishinka Al Masirah ee ay maamulaan kooxda Xuutiyiinta ee magaalada Sanca ma xusin wax warar ah oo ku saabsan duqeymanka diyaaradaha Droniska ee gudaha Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa hoggaaminaayey isbaheysi ciidan oo tan iyo sanadkii 2015-kii la dagaalamaayey kooxda Xuutiyiinta ee maamula qeybo ka mid ah dalka Yemen

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this