Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war ka soo saartay qarax lagu dilay mas’uuliyiin caan ahaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa looga hadlay qarax xoogan oo saaka mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle lagula eegtay deegaanka Gololey oo dhaca inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/ Dhexe.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxaasi oo ahaa miino ay la eegatay gaari nooca raaxada ah oo ay la soceen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Afhayeenka howlgallada Al-Shabaab, Cabdicasiis (Abuu Muscab) oo la hadlay Andalus ayaa sheegay in weerarka oo ahaa mid qorsheysan lagu dilay mas’uuliyiintii bartilmaameedka ahaa, uuna u dhacay sidii loo rabay, sida uu hadalka u dhigay.

“Allaah fadligii howlgalku wuxuu u dhacay sidii loo qorsheeyey, waxaana lagu dilay cadowgii bartilmaameedka ahaa” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Al-Shabaab Abuu Muscab.

Ma shaacin afhayeenku khasaaraha iyo magacyada mas’uuliyiinta lagu dilay qaraxaasi.

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online waxaa qaraxa ku dhintay guddoomiye ku xigeenkii Maaliyadda ee gobolka Shabeelaha Dhexe, Cabdulllaahi Shitaawe, wasiirkii hore ee wasaaradda Ganacsiga Hirshabelle, Sabriye Cusmaan iyo nin lagu magacaabayey Xasan Baldoos, kaas oo la shaqeynayey mid ka mid ah hay’adaha Samafalka ee gobolkaasi.

Illaa iyo hadda wax faah faahin kama soo bixin dhanka madaxda dowlad goboleedka HirShabelle oo ku aadan qaraxaasi.

Al-Shabaab ayaa  inta badan weeraro jidgal ah iyo qaraxyo ka fulisa waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this