Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil Ajaaniib ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Jilib

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in xalay duqeymo dhanka cirka ah laga fuliyey degmooyinka Jilib iyo Bu’aale ee gobolkaasi.

Duqeymaha oo ahaa kuwa is xig xigay ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta koowaad oo ka dhacday Jilib lala bartilmaameedsaday guri ay ku sugnaayeen saraakiil Ajaaniib ah oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, sidoo kalena duqeynta labaad oo ka dhacday Bu’aale lala eegtay goobo kale oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Sida ay saraakiishu xaqiijiyeen waxaa duqeymaasi lagu dilay illaa labo sarkaal oo Kenyaan ahaa.

Dhanka kale waxaa xalay duqeyn kale diyaarado dagaal ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed Somalia.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday xarun lagu tababaray xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeymahaasi.

Caasimada Online
Xaafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this