Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare oo ka hadlay qaraxii lagu dilay mas’uuliyiinta ka tirsanaa maamulkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HiraShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa si kulul uga hadlay qarax miino oo lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkaasi, kaas oo la dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaga Dhexe.

Waare ayaa tacsi u diray ahellada ay ka dhinteen mas’uuliyiinta iyo askarta lagu dilay weerarkaasi.

”Inaa Lillaahi Waa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda Hirshabelle iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii, Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed Gaar ahaan Reer Hirshabelle ay ka geeriyoodeen Mas’uuliyiintaasi iyo Ciidamada geesiyaasha ee iyagana shahiiday.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray ”in labada Mas’uul, Samafalaha, iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Hirshabelle u horumari laheyd.”

Qaraxan ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, kaas oo lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii maaliyadda gobolka Shabeelaha Dhexe, Cabdulaahi Shitaawe, wasiirkii hore ee ganacsiga Hirshabelle, Sabriye Cusmaan, Xasan Baldoos oo Samafale ahaa iyo  saddex askari oo ilaalo u aheyd mas’uuliyiintaasi.

Caasimada Online
Xaafiiska Jowhar
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this