Deeq A. Posted September 14, 2019 Beledxaawo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay illaa 3 qof lagu dilay qeybo ka mid ah degmada Beledxaawo ee gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in kooxo hubeysan ay dadkaasi kala baxeen guryahooda, kadibna ay ku dileen duleedka magaaladaasi. Saddexda qof ee la toogtay ayaa mid ka mid ah waxa ay aheyd Haweeney, halka labada kale ay ahaayeen Rag, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay. Lama oga sababta loo dilay dadkaasi, balse mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Beledxaawo ayaa ku eedeeyey dhacdadaasi inay ka dambeeyeen Al-Shabaab. Ciidamada ammaanka ayaa saaka howlgallo ka wada gudaha iyo daafaha degmadaasi, iyaga oo baadi goobayey raggii ka dambeeyey dilkaasi. Inta badan waxaa gobolka Gedo ka dhaca dilal iyo weeraro ay fuliyaan dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gudaha gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites