Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabadoon caan ah oo lagu dhaawacay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhaawac xalay magaalada Kismaayo loogu geystay, Nabadoon Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa guddoomiyaha guddigii la magacbaxay badbaadada maamulkaasi, kaas oo lagu weeraray magaaladaasi.

Kooxo ku hubeysanaa Bistoolado ayaa toogtay Nabadoonka, xilli uu ku sugnaa qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Afhayeenka wasaaradda amniga ee maamulka Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey xaaladdda Nabadoon Axmed Jaamac.

Cabdinuur ayaa sheegay in xaaladda Qalyar oo sidoo kale ah Nabadoon ay soo hagaageyso, islamarkaana lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ammaanka ee Jubbaland ay ku raadjoogaan kooxihii ka dambeeyey falka lagu dhaawacay mas’uulkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Cod-2-cadaani.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this