Sign in to follow this  
Deeq A.

Waffuudda ka qaybgelaysa shirka maalgashiga Puntland oo maanta Garoowe ku soo wajahan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa waxaa ka socda diyaar garawgii ugu dambeeyey ee ku aadan soo dhoweynta ka qaybgalayaasha shirka maalgashiga Puntland.

Masuuliyiin dowladeed, ganacsato Soomaaliyeed, madaxda shirkado ganacsi oo ajaaniib ah iyo wakiilo kale ayaa lafilayaa inay maanta soo gaaraan Garoowe si ay shirka uga qaybgalaan.

Shirkaan oo socon doona 15 ilaa 17 Sep waxaana lagu soo bandhigi doonaa fursadaha maalgashi ee ka bannaan Puntland iyo habka adduunku uga faa’iidaysan karo.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa dhowr bilood kahor balan qaaday shirkaan oo waxbadan ku soo kordhin doona horumarka Puntland.

PUNTLANDPOST

The post Waffuudda ka qaybgelaysa shirka maalgashiga Puntland oo maanta Garoowe ku soo wajahan. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this