Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg deg: Mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle oo qarax lagula eegtay Sh/ Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in goor dhow halkaasi qarax lagula eegtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle iyo kan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa lagu soo warramayaa in lala bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen mas’uuliyiintaasi, xilli ay marayeem deegaanka Gololey ee gobolkaasi.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa, walow aan weli si rasmi ah loo xaqiijiin.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in qaraxa uu qabsaday labo gaari oo ay la socdeen g uddoomiye ku xigeenka arrimaha maaliyadda gobolka Shabheelaha dhexe, Cabdullaahi Shitaawe iyo mas’uuliyiin kale.

Xaaladda ayaa haatan kacsan,waxaana goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga ee dowladda Soomaaliya.

Al-Shababa ayaa inta badan weeraro dhab gal ah ku fulisa waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Faah faahinta kala soco:caasimada.net

Caasimada Online
Xaafiiska Jowhar
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this