Deeq A. Posted September 13, 2019 Baydhabo (SMN) – Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqul Insaanka dalka, Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf, ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya dalbatay in goobaha ay AlShabaab kala wareegto la gaarsiiyo adeegyadda bulshadda. Codsigaasi oo ay daboolka ka qaadey in loo gudbiyey Qaramadda Midoobay iyo Bangiga Aduunka ayey xustay in la aqbalay. Dhinaca kale, Deeqo oo hadalkeeda sii wadata ayaa tibaaxday in xukuumadda ka go’an tahay garab istaaga rayidka degaanada laga saaro AlShabaab. Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo qaybo kamid ah gobolada dalka ay ka socdaan howlgalo saf-balaaran oo ka dhan ah xarakadda. Shalay ayey ahayd markii ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uu magaaladda Baydhabo kulan kula qaatay wafdi ka socda UN-ka iyo World Bank, isaga oo kala xaajoodey arrimaha bini’aadanimada iyo in la isla wado gargaarka iyo horumarinta. View the full article Share this post Link to post Share on other sites