Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano fariin u diray madaxweynaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Nuur Siidow Baaba oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dil ay ciidanka Puntland u geysteen mid kamid ah dhalinyaradda kasoo jeeda degaanada Koonfur Galbeed.

Marxuumka ayaa la sheegay in lagu khaarijiyey magaaladda dekada leh Boosaaso, xarunta gobolka Bari ahna caasimada ganacsiga dowlad goboleedkaas.

Mudane Babab oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ka codsadey in uu jawaabo degdeg ah ka bixiyo falkaas.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sharcidejiyaha hoosta ka xariiqay in ay tahay wax aanan loo dulqaadan dilalka dadka kasoo jeeda goboladda Koonfurta ee waddanka oo kusoo badanaya degaanada maamulka Puntland.

Hoos ka dhageyso codka

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Badda.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this