Deeq A. Posted September 13, 2019 Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Nuur Siidow Baaba oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dil ay ciidanka Puntland u geysteen mid kamid ah dhalinyaradda kasoo jeeda degaanada Koonfur Galbeed. Marxuumka ayaa la sheegay in lagu khaarijiyey magaaladda dekada leh Boosaaso, xarunta gobolka Bari ahna caasimada ganacsiga dowlad goboleedkaas. Mudane Babab oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ka codsadey in uu jawaabo degdeg ah ka bixiyo falkaas. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sharcidejiyaha hoosta ka xariiqay in ay tahay wax aanan loo dulqaadan dilalka dadka kasoo jeeda goboladda Koonfurta ee waddanka oo kusoo badanaya degaanada maamulka Puntland. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Badda.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites