Sign in to follow this  
Deeq A.

Digniin laga soo saaray xaalada bini’aadanimo ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in laba milyan oo qof oo Soomaaliyeed ay khatar ugu jiraan inay u dhintaan macluul iyo gaajo, iyadoo ugu baaqaysa beesha caalamka inay gargaar bani’aadnimo la soo gaaraan Soomaaliya.

Macluushan ayaa ka dhalatay xaalado abaareed oo dalka ka jiray ilaa sanadkii 2011-kii, sidda lagu sheegay warbixinta.

Isagoo ka hadlayey gebagebada booqasho laba cisho qaadatay oo uu ku yimid Soomaaliya, ku xigeenka xoghayaha guud ee UN-ka, Mark Lowcock, ayaa waxa uu sheegay in dagaalo tobanaan sano socday iyo horumar la’aan ay wiiqeen awoodii ay dowladda Soomaaliya kula tacaali laheyd dhibaatooyinka bani’aadnimo ee soo noq-noqaya.

Waxa uu intaa ku daray in abaaro ka dhashay roobabka oo soo daahay ay xaalada uga sii dareen, iyadoo marka roobabka ay da’aana ay sababaan daadad khasaare geysta.

Lowcock ayaa waxa uu sheegay in ilaa lix milyan oo qof ay wajahi doonaan cuno-yari bilaha soo socda, iyadoo buu yiri, dadkaasi saddex meelood oo meel ay aad u il-daran yihiin.

Lowcock ayaa horkacayey koox ay ku jiraan masuuliyiin sar sare oo ka socda Baanka Aduunka, kuwaasoo gaaray Baydhabo oo xarun KMG ah u ah maamulka Koonfur Galbeed, halkaasoo saddex boqol iyo lixdan kun (360,000) oo dad ah ay kaga qaxeen guryahooda abaaraha iyo dagaalada u dhexeeya Al-Shabaab iyo dowlada Federaalka Soomaaliya, saddexii sanno ee la soo dhaafay.

Dadkan ayaa la dejiyey ilaa 435 goobood oo ku yaala Baydhabo hareeraheeda.

Warbixintii dhowaan ay QM ka soo saartay xaalada cuno-yari ee Soomaaliya ayaa muujisay in dalagii beeraha ka soo go’ay bilahii April ilaa June ay ahaayeen kuwa aan ku filneyn baahida jirta.

Warbixinta Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa sidoo kale xusaysa in musiibooyinka dabiiciga iyo colaadaha sokeeyey ay guryahooda ka barakiciyeen ilaa laba milyan iyo lix boqol oo kun oo dad ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this