Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF Somalia oo joojisay aqoonsiga ID Cards-ka HirShabelle, cabsi darteed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amaanka Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen waxay isku raaceen in la joojiyo guud ahaanba aqoonsiga kaararka maamulka HirShabelle ee lagu galo xafiisyada dowladda laguna maro wadooyinka Muqdisho.

Kaararka Wasiirada, Xildhibaanada iyo shaqaalaha kale ee dowladda HirShabelle, ayaa la sheegay in loo baahanyahay dib u habeyn ballaaran kadib markii xubno badan ay maamulkaasi ka baxeen, qaar kalane ay Al-Shabaab isu dhiibeen.

Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii agaasimihii madaxtooyada HirShabelle uu isu dhiibay Al-Shabaab, waxayna arintaasi sababtay shaki laga qabo aqoonsiyada HirShabelle loo adeegsado weeraro culus oo ka dhaca Muqdisho.

Goobaha laga joojiyay waxaa kamid ah Xafiisyada Wasaaradaha iyo waddooyinka horumara Madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kale waxaa la sheegay in qof kasta oo aqoonsigaas wata in la weydiin karo damiin hadii loo baahdo, iyadoo aan lagu qiimeyn doonin mansab iyo xilka uu leeyahay.

Xubno ka tirsan Golayaasha HirShabelle ayaa Caasimada Online u sheegay in lagu wargeliyay in magaalada Muqdisho laga diiday aqoonsiyada HirShabelle oo si fudud gacanta ugu galay cadawga, sida ay hadalka u dhigeyn.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hey’adaha amaanka oo arrintaan ku saabsan balse waxaa xogtaan nala wadaagay Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan HirShabelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this