Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuusuf Kaba Kutukade: Cunug aan dhalay ayaa dagaallamay dal kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarardheere (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Al-shabaab ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Yuusuf Ciise Kaba ku tukade oo odayaal isku dhiibay Al-Shabaab kula hadlayey Xarardheere ayaa sheegay in Al-Shabaab ay tahay koox gobonimo u dagaalan ah.

Yuusuf oo khudbad dheer u jeediyey odayaasha cafiska u doontay Al-Shabaab ayuu uga sheekeeyey taariikhda dagaalka ay AL-Shabaab kula jiraan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wuxuu Odayaasha u sheegay in Ciidamada Al-Shabaab ay leeyihiin awood ay isaga difaaci karaan ciidamo kasta oo la keeno Soomaaliya.

Guddoomiye Yuusuf ayaa sheegay in cunug uu dhalay uu ka dagaalamay dalka Kenya uuna kamid yahay Al-Shabaab, wuxuuna xusay inaan loo baahneyn Ciidan balse ay ku filan tahay ilmaha ay dhaleen.

Wuxuu xusay in mid kasta oo Shabaab kamid ah oo qubo afar xaas ayna ilmo dhallaan Galab iyo Subax sida dooradii oo kale.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inaysan wax dhib ah u arkin waxyaabaha lagu sheego sida Wahaabiyada oo kale, isagoo sheegay in qof kasta oo Muslim ah laga sheego wax qaldan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this