Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Boris Johnson Oo Lagu Khasbay Inay Shaaciso Xog Ay Qarineysay Ee Ka Bixitaanka Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Baarlamaanka UK ayaa ku guulleystay inay ku khasbaan Xukuumadda Boris Johnson inay shaaciso xogta iyo daraasada xukuumadda Ingiriiska ku sameysay waxa dhici kara haddii wadanka UK iskaga baxo Midowga Yurub iyadoo aan wax heshiis ah lala gelin dalalka EU-da.

Boris-1024x576.jpgBritain’s Prime Minister Boris Johnson gestures during a press conference on the steps of the Government buildings in Dublin on September 9, 2019. – Irish Prime Minister Leo Varadkar said on Monday that the European Union had not received from Britain any alternatives to the so-called backstop provision in the Brexit divorce deal. (Photo by Lorraine O’SULLIVAN / AFP) (Photo credit should read LORRAINE O’SULLIVAN/AFP/Getty Images)

Daraasadan ay xukuumadda ka qarineysay shacabka ayaa waxaa kamid ah in marka wadankaasi ka baxo EU-da ay dhici karto in sicir-barar ku yimaado raashinka daruuriga ah iyo waliba daawooyinka, isla markaana khal khal weyn geli doono suuqa wadankaasi oo ku xidhan suuqweynaha dalalka Midowga Yurub.

Shacabka iyo Ganacsatada UK diyaar uma aha inay u babac.dhigaan caqabadaha ka iman kara Brexit ayaa lagu yidhi Daraasadan loogu magacdaray “”Operation Yellowhammer”.

Raysalwasaare Boris Johnson ayaa isagu diidanaa in xogta la shaaciyo balse ku khasbanaaday inay daraasadan shaaciyaan kadib markii Baarlamaanka UK uu todobaadkan kalfadhigoodii ugu danbeeyey ay ku ansixiyeen sharci ku khasbaya Boris Johnson iyo Wasiiradiisa inay xogtan shacabka la wadaagaan.

Shacabka ayaa walaac weyn ka muujinaya xiisada ka taagan Brexit iyadoo horey ay u jirtay cabsi ah in hoos u dhac dhaqaale dalkaasi soo wajahdo hadii ay ka baxaan Midowga Yurub.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this